Qardho (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Talaadadii maanta booqasho ku tegay magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, oo ay ka dhacday fatahaad ka dhalatay Roobabkii ka da’ayey gobolkaasi maalmahan.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda kusoo rogmaday.
Wuxuu madaxweyne Deni ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday.
Madaxweyne Deni ayaa ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo kormeeray goobaha burburku gaaray si uu usoo arko sida ay wax u dhaceen, wuxuu booqday boqolaal qoys oo ku barakacay daadadkii ku soo fatahmay xalayto magaaladda, isagoo la Kulmay bulshada oo uga warbixinaysay khasaaraha jira.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay Dowladdu sameysay guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho,
Wuxuu baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda bani’aadantinimo ka jirta maanta magaalada Qardho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com










