Thursday, May 28, 2026
26.6 C
Mogadishu

UPDATE: 2 qof oo cudurka Coronavirus ugu geeriyootay Muqdisho iyo Dad hor-leh oo laga helay.

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda caafimaadka XF Soomaaliya ayaa Talaadada maanta xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XF Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.

41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland. 31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale.

Si kastaba, tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 228, waxaa ka bogsooday 19 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 28.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...