Friday, May 15, 2026
28.9 C
Mogadishu

Booliska Soomaaliya: Rag hubeysan ayaan ku qabanay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay rag hubaysan inay ku dhex qabteen Muqdisho, gaar ahaana ay ka qabteen Banaanbaxyadii shalay ka dhacay Magaalada

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidamada ammaanka inay qabteen 5 ruux oo labo ka mid ay hubaysnaayeen sida qoraalka booliska lagu sheegay.

“Ciidamada booliska oo kaashanaya sirdoonka caasimadda ayaa gacanta ku dhigay shan nin oo laba ka mid ah ay hubeysnaayeen kuwaas oo ku dhex dhuumanayay shacabkii ku mudaharaadayay dhinaca daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho damacooduna ahaa maleegidda dhagar” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ilaa iyo hadda ma jirto cadeyn kale oo muujinaysa in raggaan Booliska ay gacanta ku soo dhigeen, balse tani ayaa u muuqata mid la doonaayo shacabka in lagu qal qalgeliyo, loona sheego Banaanbaxyada inay ku soo dhex dhuuntaan dad hubaysan.

Si kastaba ha’ahaatee, haddii hadalka Booliska uu yahay mid sax ah, waxaa dhici laheyd in Saxaafadda loo soo bandhigo ragga la sheegaayay in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen.

Halka hoose ka akhriso War Qoraalka Booliska Soomaaliyeed:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...