Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

VIDEO: Tirada dadka u geeriyooday Coronavirus (Covid-19) oo kordhay iyo 390 ruux oo la il daran

Wasiirka Caafimaadka ee XF Somaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19, ayaa xaqiijiyay in laba ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 62 xaalada cusub oo 44 kamid ah lab yihiinna ay soo kordheen 24-kii saac ee ugu dambeeyay. 18 qofood oo kamid ah bukaannada cusub ayaa haween ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo xubin ka ah guddiga kahor tagga COVID-19 ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale taas oo 10 ruux ka dhigeysa tirada guud ee ka caafimaaday cudurkaan.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 390 ruux, bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 18 ruux.

Dowladda oo qaatay tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...