
Jowhar (Halqaran.com) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa waxa ay Mooshin ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi, Sheekh Cismaan Barre Maxamed.
Mooshinkaan ayaa waxaa saxiixay 66 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi, waxaana guddoomiyaha lagu soo eedeeyay ku xadgudubka Dastuurka Hirshabelle iyo inuu hor taagnaa qabsoomida fadhiyada Baarlamaanka Maamulkaasi.
Sidoo kale, xildhibaanada ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ka dalbaday inuu keeno Xisaab xirka lacag dhan toban kun oo doolar oo bil waliba uu ka qaadan jiray guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, taasi oo ay sheegeen inaysan soo gaarin Baarlamaanka Hirshabelle.
Halka hoose ka akhriso Saxiixa Mooshinka Xildhibaannada:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com









