
Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Iyadoo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi loo magacaabay Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug, islamarkaana dadka Siyaasiyiinta iyo taageerayaasha Fiqi siyaabo kala duwan uga hadleen, ayaa arrintaasi waxaa faah faahin ka bixiyay Axmed Macalin Fiqi.
War-saxaafadeed uu soo saaray Xildhibaan Fiqi, ayaa waxa uu ku sheegay inaysan waxba iska bedelin aragtidiisii Siyaasadeed, sidoo kalena uusan ka dhex bixin Kooxdiisii Siyaasadda, balse uu doortay kaliya inuu ka shaqeeyo dhulka uu ka soo jeedo ee Galmudug.
Axmed Macalin Fiqi, ayaa sababta ugu wayn ee Wasiirka Amniga Galmudug uu ku noqday, waxa uu ku sheegay inay tahay, kadib socdaal uu ku maray deegaano badan oo ka tirsan Galmudug uu ku soo arkay inay wali taagan yihiin xaalado amnidaro, in wali qabiil la isku dilo, isbaarooyin yaalla deegaanada Galmudug iyo Al-Shabaab oo dhul badan ka haysta deegaankaasi ugu dambeyn inuu garowsaday ka shaqeynta amniga Galmudug, si loo horumariyo deeganada Maamulkaasi.
Xildhibaan Fiqi ayaa war-saxaafadeedka ku faah faahiyay ujeedkiisa ku biirista Maamulka Galmudug:
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







