Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Cafis u fidiyay maxaabiis ku xiran xabsiga magaalada Baydhabo.
Maxaabiistan ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa illaa 11 Maxbuus, sida lagu cadeeyay warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Laftagareen.
Warqadda ayaa lagu sheegay Madaxweynaha inuu dhageystay talo soo jeedinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed, markii uu tixgeliyay badqabka maxaabiista inuu garowsaday cafiska maxaabiistaan.
Xeer illaalinta Gobolka Baay ayaa la faray inay xabsiga ka sii daayaan Maxaabiistaan uu cafiska u fidiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Si kastaha ha’ahaatee, waa tiradii ugu yareyd ee maxaabiis cafis loo fidiyo oo uu cafiyo Madaxweyne Maamul Goboled ka ah Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







