Friday, May 15, 2026
31.9 C
Mogadishu

Xildhibaan Mahad Salaad ‘‘Daryeel xumo ayuu Isbitaal Martiini ugu dhintay Wasiir Khaliif Muumin”

Xildhibaan Mahad Salaad

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay daryeel xumo inuu Isbitaalka Martiini ugu dhintay Wasiiru dowlihii Cadaaladda maamulka Hirshabelle Marxuum Khaliif Muumin Tooxow.

Qoraal uu soo dhigay Xildhibaan Mahad Salaad boggiisa xiriirka Bulshada ayaa isweydiiyay halka ay ka baxday lacagtii Shanta Milyan aheyd ee dowladda Soomaaliya ugu deeqday Covid-19, xilli uu sheegay xaalad Oxygen la‘aan ah ay ka jirto Isbitaalka Martiini.

“Shan Milyan oo dollar ayaa dowladu sheegtay in ay u qoondaysay la tacaalida cudurka Coronavirus. Laakiin nasiib daro shalay Isbitaal Martiini waxaa daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Wasiir Hirshabelle Khaliif Muumin kadib markii loo waayay oksijiin (oxygen) uu ku neefsado sida eheladiisa iyo siyaasiin qaraabo la ah marxuumka warbaahinta u sheegeen.”

“Haddaba su’aashu waxay tahay xagee la geeyay lacagtii loo qoondeeyay la tacaalida cudurkaan. Jeeb dad kale miyey gashay mise jidka ayay ku soo jirtaa. Hadiise mas’uul dowladeed daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Isbitaalkii dowladu sheegtay diyaarintiisa in malaayiin dollar lagu bixiyay in daryeel caafimaad uu ka heli karo muwaadin danyar ah oo cidina dabo socon.”Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Mahad Salaad ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federalka Soomaaliya inay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatada ka jirta Isbitaalka Martiini.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowlada in arintaan si degdeg ah wax uga qabtaan, dadkana aysan u loogin cudur iyo daryeel xumo caafimaad, hadii kale dadka loo run sheego si dadkooda ay ula tacaalaan.”

Ugu dambeyn, xildhibaan Khaliif Muumin, sidoo kalena ahaa Wasiiru dowlihii Cadaaladda Maamulka Hirshabelle ayaa Sabtidii shalay Covid-19 ugu geeriyooday Muqdisho, waana shaqsigii labaad oo la xaqiijiyay inuu u dhintay cudurkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...