Saturday, May 9, 2026
29.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Puntland oo madaxda DF Somaliya uga digtay muddo kororsi, iyadoo marmarsiyo laga…

Wasiir Maxamed Dhabancad

Garowe (Halqaran.com) – Maxamed Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ka hadlay Aragtida Maamulka Puntland ay ka qabto Dib u dhac ku yimaada qabsoomida Doorashada Soomaaliya sanadka 2021, maadaama ay jiraan kiisas la xariira Cudurka Coronavirus oo laga helay Soomaaliya.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya ay tahay arrin dastuuri ah oo waajib ku ah inay qabtaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isla markaana aysan ogolaan doonin in iyada oo marmarsiiyo laga dhiganayo Cudurka COVID-19 in doorashada dib loo dhigo.

Mr. Dhabancad ayaa hadalkiisa intaasi ku darey in haddii ay madaxda Dowladda ay isku dayaan inay sameeyaan muddo kororsi ah ay sababi karto in dalka ay ka dhacdo xasilooni darro iyo is qabsi siyaasadeed.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad ayaa sheegay in xaalada la xiriirta dhinaca Cudurka Coronavirus ee dalka ay noqota mid kasii dartey ay u baahan tahay in wadatashi laga galo sida la yeelayo, hayeeshee aysan isku dayin inay ka faa’iideystaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyn, inta badan siyaasiyiinta Soomaalida ayaa u hanqal taagaya in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, iyada oo mararka qaar ay dalka ka jiraan xaalado daran oo ay kamid tahay amni darro, hayeeshee Madaxda Dowladda Soomaaliya aysan siin wax jawaab ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...