Thursday, June 18, 2026
27.4 C
Mogadishu

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka Somaliya oo lagu dilay Gaalkacyo iyo Al-Shabaab oo sheegatay.

Waqooyiga Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Al-Shabaab ayaa sheegtay mas‘uuliyadda dil xalay Magaalada Gaalkacyo qaybta Waqooyi loogu gaystay Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Xuseen Xaaji (Faray), waxaana ragii toogtay ay ku baxsadeen sida la sheegay luuq yar oo ku yaallay agagaarka halka uu falka ka dhacay.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Sare ee Garoonka Diyaaradaha Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ayaa howlgal kala duwan ka wada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyagoo ku baadi goobaya ragii dilka u geystay Marxuum Cismaan Xuseen.

Amniga Waqooyiga Gaalkacyo ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana halkaas ku soo badanaya falalka amni darro.

Dhawaan waxaa halkaasi qarax ka dhacay lagu dhaawacay Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland.

Si kastaba ha’ahaatee, amniyaadka maleeshiyada Al-Shabaab ayaa meel kasta ku ugaarsada masuuliyiinta iyo dadka la shaqeeya Maamulada dalka ka jira, kadibna toogta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...