Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Ciidamo dheeraad ah oo la geeyay Xuduudka Somaliya & Itoobiya

Hiiraan (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay Ciidamo dheeraad ah geysayay Xadka dhinaca Gobolka hiiraan ay Soomaaliya kala wadaagto dhinaca Itoobiya si loo xoojiyo go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku xirtey Xaduudaha.

Deegaannada Ciidamada dheeraad ah la geeyey ayaa waxaa kamid ah deegaanka Geeljire oo Saldhigyo Waaweyn ay ku leeyihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dheeraad ah ee la geeyey deegaanka Geeljire ayaa waxaa ay bedeleen Ciidamo horey u joogey, iyada oo Ciidamada Cusub loo magacaabey taliye si ay xoojiyaan amniga deegaanka iyo xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Taliyaha saldhiga Booliska degmada Matabaaan ee Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Ciidamada looga baahan yahay inay halkaasi kasii wadaan howlihii ka socday deegaanka ee amniga la xiriira, isla markaana ay adkeeyaan go’aankii lagu xirey xaduudka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...