Sunday, May 10, 2026
29 C
Mogadishu

Wasiir Goodax Barre oo walaac daran ka muujiyay faafidda cudurka Caronavirus iyo halistiisa

Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay in haddii cudurka Coronavirus uu dalka ku faafo aysan jirin awood looga hortagi karo, balse ay habboon tahay in marka hore bulshadu ay la timaado Alla bari .

Mr. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xusay in uu  aad uga walaacsanahay tirada iyo tuhunka sii badanaya ee cudurkan saf marka ah ee dhibaatada badan ku haya bulshada caalamka.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay, in dadka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn halista cudurka Covid-19, balese dadku badankood ay yareysanayaan qatarta la filan karo cudurkaasi.

“Maanta maalin aan uga baahi badannahay majirto in aan midowno, is-maqalno, is-kaalmeyno, isla markaana meel uga soo wada jeesanno sidii aan uga hortagi lahayn cudurkan, si uusan saameyn ballaaran ugu yeelan dadkeena, maadaama tabar, dhaqaatiir, qalab iyo goobo caafimaad oo aad u haboon aanaan heysan”, ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Waxaa cabsi xooggan laga qabaa in uu bulshada Soomaaliyeed aad ugu faafo cudurka Coronavirus, kaddib markii dad qaba laga helay gudaha Caasimadda Muqdisho, iyadoona qofkii ugu horreeyay cudurkaasi ugu dhintay magaalada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...