Sunday, May 10, 2026
29 C
Mogadishu

DHAGEYSO: ”Waxaa jira goobo uusan weli ka dhaqan-gelin amarkii dowladda Soomaaliya‘‘ …

Korneyl Maxamed Aadan Koofi

Muqdisho (Halqaran.com) – Korneyl Maxamed Aadan Koofi, agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ka hadley go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku xirtey Xaduudaha dalka iyo meelaha qaar oo la sheegay in uusan ka dhaqan gelin.

Mar uu la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayuu sheegaya, in Ciidamada Ammaanka iyo Hay’adda socdaalka amarada lagu xiray Xaduudaha dalka si loga hortago Cudurka Coronavirus, isaga oo qorey inay jiraan meelo kamid ah dalka oo Amarkaasi uusan ka dhaqan gelin.

Korneyl Koofi ayaa intaasi ku daraya, in ay socdaan daddaalo kale oo lagu doonayo in lagu dhaqan geliyo amaradaas, isla markaana ay kala kaashanayaan dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Ugu dambeyn, hadalka agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ku soo aadayaa xilli dowladda ay horey ugu dhawaaqdey in la xiray Xaduudaha dalka lana joojiyey duulimaadyada Caaamiga ah, balse magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka qaar si caadi ah Jaad (Qaad) lagu soo geliyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...