Galgaduud (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud kula kulmey Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale duwan ee bulshada,
Qoorqoor ayaa lacago samar siin ah ku wareejiyay Dadkii dadkooda dhibtu ku gaartay dagaaladii ka dhacey deegaanada Huurshe iyo Xeraale, lacagahaasi oo horey oo balan qaadey dowlada faderaalka Soomaaliya gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha.
Madaxweynaha Galmudug intuu joogey Xeraale ayaa waxa uu booqdey Saldhiga Booliska Degmada Xeraale iyo xarumo kale.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa ugu dambeyn dhagax dhigey isbitaalka guud ee Dagmada Xeraale iyo iskuul dugsi sare ah oo maamulka Galmudug ka dhisayo Degmada Xeraale.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






