Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus iyo ganacsatada Qaadka ee Somaliland?

Hargeysa (Halqaran.com) – Guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus (COVID-19) ee Somaliland ayaa Axaddii Maanta xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa waxa ay kulan looga hadley Arrimaha Dhowr ah la qaateen Shirkadaha Somaliland keena Qaadka (Jaadka).

Waxaa kulankan looga hadley xaaladaha cabsida laga qabo Cudurka Corona ee deegaannada Somaliland iyo sidii xal looga gaari lahaa in deegaannada Somaliland aan la soo gelin wax qaad ah maadaama la mamnuucey.

Xubnaha ka socdey Ganacsatada qaadka ayaa waxaa ay kulanka ka sheegeen inay diyaar u yihiin inay fuliyana amar kasta oo kasoo baxa Xukuumadda ee la xiriira joojinta Qaadka.

Xubnahan ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin bixinta qeyb kamid ah qarashka loogu talo galey in baaritaan loogu sameeyo dadka looga shakiyo Cudurka Coronavirus (COVID-19).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...