Tuesday, June 2, 2026
26.7 C
Mogadishu

Xaasaska Askartii u geeriyootay difaaca dalka oo sheegay in mushaarkii laga jartay +(SAWIR)

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaar ka mid ah Xaasaska Askartii u geeriyootay difaaca dalka Sanadyadii lasoo dhaafay ayaa Sabtidii maanta banaanbax ka dhigay Iridda Xarunta Madaxtooyadda Qaranka.

Xaasaskan Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in 15-kii bilood ee lasoo dhaafay aysan qaadan wax mushaar ah.

Waxay kaloo ay xuseen in dhammaan laga soo xirtay Xafiisyada dowlada, islamarkaana Madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya ay Al-baabada kasoo xirteen.

Sidoo kale, xaasaska Askarta u geeriyootay difaaca dalka ayaa waxa ay sheegeen in guryihii ay deganaayeen laga saaray, sidoo kalena hadda aysan heysan wax ay raashin ku iibsadaan.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayay ugu baaqeen in ay ka jawaabaan Cabashooda.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa inta badan sheega in ay bixiyaan xuquuqda Askarta u dhimata difaaca Qaranka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...