Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

DF Somaliya oo si kulul uga hadashay gabdho yar oo lagu kufsaday degmada Afgooye

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye/Sawir hore/Keydka HQ

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si kulul u cambaareeyay kufsi arxan darra ah oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Wasiir Maareeye ayaa ficilkaas ku tilmaamay in uu geystay Qof wax magarad ah oo aan damiir Soomaaliyeed lahayn, waxaana uu sheegay dowladda Soomaaliya luuqad adag inay ku cambaareynayso falkaasi.

“Waxaan si kulul u cambaaraynaynaa ficilka wuxuushnimada leh oo ka dhacay Degmada Afgooye oo lagula kacay Laba Gabdhood oo aad u da’yar, waa tacaddi iyo weerar oo loo geystay Magaca Soomaaliyeed‘‘ ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale, Maareeye ayaa xusay, in ay Dowladdu ku raad-joogto Dadkii ka dambeeyay ficilkaas foosha xun oo lagu kufsaday Laba gabdhood oo walaala ah.

Laamaha ammaanka Afgooye ayaa sheegay 18 ruux oo tuhmanayaal ah in loo soo qabtay falkaasi Kufsiga ah ee loo gaystay ilmaha yar.

Ugu dambeyn, labada gabdhood ee falka kufsiga loo gaystay ayaa da‘dooda waxa ay u dhaxeysa Afar jir iyo Saddex jir, waxaana ay jiifaan Isbitaalka Madiina, halkaasi oo lagu daaweynaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...