
Cape-Town (Halqaran.com) – Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay dalka Koonfur Afrika, iyadoo weli aanu jirin isbeddel ku yimid dhanka ammaanka dadka Soomaaliyeed.
Tuulo hoostagta Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ayaa xalay waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed, xilli sidoo kale dhac loo gaystay goobtii ganacsi ee uu halkaasi ku lahaa.
Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yaasiin Maxamed, waxaana dilka loo geystay uu ka dhacay goob ganacsi uu ku lahaa xaafad lagu magaacaabo Philipi oo hoostaga Magaalada Cape Town.
Xilliga falka dilka uu dhacaayay ayaa waxaa la sheegay in muwaadinkaan uu ku hawlanaa xiritaanka goobtiisa ganacsiga, isaga oo u hoggaansamaayay amar dowladda ka soo baxay, kaasi oo ahaa bandowga Magaalada.
Burcadii dilka gaysatay ayaa dhacday goobtiisii ganacsiga, waxaana intaasi kadib ay ka baxsadeen goobtii ay ka gaysteen dhibaatada.
Ganacsato Soomaaliyeed oo tagay goobta ay wax ka dhaceen, ayaa maydka Marxuumka halkaasi ka soo qaaday, waxaana lagu wadaa maanta in la aaso.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





