Thursday, July 16, 2026
27.3 C
Mogadishu

Booqashadii maxaabiista ku xiran xabsiyada magaalada Muqdisho oo la joojiyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Asluubta ayaa hakiyay muddo laba Isbuuc ah Booqashadii loogu tagi jiray Maxaabiista ku xiran xabsiyada Muqdisho ku yaallo ee Taliskaasi hoostagga, iyadoo laga duulayo ka hortagga faafidda cudurka Coronavirus.

Jeneraal Mahad Cabdi raxmaan Aadan Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay madaxda DF Soomaaliya inay ku amreen joojinta booqashada Maxaabiista.

Waxa uu sheegay iyadoo laga duulaayo cudurka Coronavirus faafistiisa in la joojiyay Booqashadaasi muddada laba todobaad ah.

Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa isbuucii maxaabiista waxaa loo ogol yahay laba mar inay ehelkooda ku soo booqdaan, waxaana labada todobaad ee la joojiyay booqashada sidaasi ku baaqanaya afar Maalin oo Booqasho ah.

Taliyaha Asluubta ayaa dalbaday hawlwadeena Caafimaad oo Wasaaradda Caafimaadka ka socota inay soo gaaraan xabsiyada si xittaa Ciidamada xabsiyada illaaliyo ee tagaayo xarumahaasi Baaris loogu sameeyo.

DF Soomaaliya ayaa muddo 15 cisho ah fasaxday goobaha waxbarashada ee dalka si looga hortagga Caabuqa Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyay dalka laga helay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...