Thursday, June 18, 2026
26.5 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo maanta si kumeel gaar ah u fasaxday duulimaadyadii caalamiga ahaa +(SABAB)

Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) /Sawir hore/Keydka HQ

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta waxa ay soo saartay go‘aan cusub oo la xiriira duulimaadyada caalamiga ah ee soo gaara dalka, kadib markii dowladda muddo 15 cisho ay joojisay duulimaadka cabsi laga qabo faafidda cudurka Coronavirus.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa lagu sheegay cabasho kala duwan oo ka timid muwaadiniin Soomaaliyeed, dowladda inay garowsatay laba cisho in la fasaxo duulimaadyada.

Wasiirka ayaa sheegay mudada labada cisho inay dalka soo gali karaan duulimaadyada caalamiga, maadaama muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku xaniban yihiin dalka dibadiisa.

Si kastaba, labadaasi cisho kadib waxaa si toos ah u dhaqan geli doono go‘aankii dowladda ay ku mamnuucday duulimaadyada, sida Wasiirka uu xaqiijiyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...