
Muqdisho (Halqaran.com) – Iyadoo subixii Khamiista maanta qaraxyo lagu xiray baalayaasha Kaamirooyinka ee wadada Maka Al Mukarama, ayaa Ciidamada NISA waxa ay xirteen waddada si loo hagaajiyo Kaamirooyinka.
Ciidanka Waran ee ka tirsan Nabad Suggida ayaa gaadiidka gaashaaman waxa ay ku gooyeen wadada dabka illaa Sayidka, halkaasi oo laga hagaajinaayo kaamirooyinka.
Waa markii labaad oo Qaraxyo lagu xiro Tabeelayaasha ay ku xiran yihiin Kaamirooyinka qarsoon ee wax duuba, kuwaasi oo Al-Shabaab ay u arkaan caqabad weyn inay ku tahay shaqadooda amniyaadka.
Injineero ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya oo u tababaran hawlaha Kaamirada ayaa ku hawlan sameynta Kaamirooyinkaasi la qarxiyay oo shaqadii ay hayeen meesha ka baxday, kaddib qaraxyadii saaka lagu xiray.
Inta ay socota shaqada hagaajinta Kaamirooyinka ayaa la sheegayaa inay wadada u xirnaaneyso Ciidamada Nabad suggida, balse marka la hagaajiyo Kaamirooyinka dib loo furaayo wadada.
Si kastaba, illaa afar kaamiro ayaa la sheegay in lagu xiray qaraxyadii saaka aroortii dhawaaqooda laga maqlay magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





