Muqdisho (Halqaran.com)- Golaha Wasiirrada xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Hindise Sharciyeedka hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Hindise Sharciyeedka Socdaalka, Xeerka lahaanshiyaha xuquuqda Daabacaadda, siyaasadda waxbarashada dalka iyo Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska.
Kulanka golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Sharciga abuurka iyo Noocyada Dhirta, Sharciga Badbaadinta dhir-beereedka, siyaasadda Qaran ee Bacrimiyayaasha, siyaasadda Qaran ee dulin-dilayaasha, sharciga hey’adaha adeegyada baaritaanka beeraha iyo sharciga xakameynta kiimikooyinka beeraha.
Agaasimaha haayada sacdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi Ayaa ka warbixiyay Hindise Sharciyeedka hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, ee golaaha ay golaah wasiirada ansixiyeen
Dhammaan Hindise Sharciyeedyada iyo Siyaasadaha qaran ee golohu meel mariyay ayaa qayb ka ah dadaallada ay xukuumaddu ku dooneyo in howlaha iyo adeegyada shacabka Soomaaliyeed u heyso lagu saleeyo, lagana tix raaco sharciyo iyo siyaasado cadcad oo si hufan loo diyaariyay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com





