Sunday, June 14, 2026
25.9 C
Mogadishu

Maamulka Jubbaland oo Ciidamo Hor leh U diray Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo (Maxaa ka jira?)

Muqdisho (Halqaran.com)- Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamo kuwa daraawishta ay u direen Magaaladda Beledxaawo ee Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

War ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Ciidamo hubaysan oo ka baxay Dhooblay ay ku biireen Ciidanka Darawiishta Jubbaland ee ku sugan duleedka Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay xasilooni iyo daganaansho ku soo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii la soo dhaafay ay ka jirtay rabshado iyo falal amaanka lid ku ah.

Ciidanka oo ka baxay magaalada dhoobley ayaa sii maray deegaannada Diif, Gariiley, Ceel-Waaq kadibna waxay ku gaareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo si ay ugu biiraan ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dhaq dhaqaaq xoog leh uu maanta ka socda Degmada Beledxaawo

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...