Thursday, June 25, 2026
25.7 C
Mogadishu

Ciidamo ka tirsan Burundi oo maanta toogasho loogu geystay Shabeellaha Dhexe & Wararkii ugu…

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Isniintii maanta lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin Deegaanka Buurane ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Askarta la dhaawacay ayaa waxaa weerar gaadmo ah ku soo qaaday rag hubeysan, sida howlgalka AMISOM uu u sheegay idaacadda laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Dadka ku sugnaa meel u dhow goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in askarta la dhaawacay la toogtay iyagoo taagan iridda laga galo saldhigga ay ku leeyihiin tuulada Buurane.

AMISOM ayaa sheegtay in toogashadu ay dhacday, xilli ay ciidamada AMISOM iridda ka fureen baabuur booyad oo rayid ah.

Dad deegaanka ayaa intaa ku daray in ay maqleen rasaas xoogan oo ka
dhaceysa meel u dhow saldhig ay ciidanka Burundi ku leeyiihin halka
loo yaqaana Biljamka.

Weerarka maanta lagu qaaday ciidanka Burundi ayaa imaanaya maalin kadib markii qarax miino lala bartimaameedsaday gaari ay ciidanku leeyihiin oo ka dhacay isla degaanka Buurane. Rasaas ay xilligaas fureen ciidanka AMISOM ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo xoolo dhaqato ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...