Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray xarunta labaad ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Axaddii maanta xariga kajaray xarunta labaad (2-aad) ee hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada federaalka Soomaaliya oo laga hirgaliyay degmada Cabdicasiis.

Xaruntan cusub ee la daahfuray ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada Caasimadda ku dhaqan gaar ahaan 8-Degmo oo katirsan gobolka Banaadir kuwaas oo kala ah Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaaqshid, Shibis, Boondheere, Hiliwaa, Shangaani iyo Xamar Weyne.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahad celiyey Madaxda hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dadaalka ay geliyaan sida loo hirgelin lahaa Xaruntaasi oo baahi weyn u qabeen Bulshada Shanta degmo.

Xarunta Hay‘adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federalka Soomaaliya oo ku taallo wadada Shaqaalaha ayaa caqabad wayn ka taagan oo dadka dhibaatooyin kala duwan ay kala kulmaan ciriiriga iyo saxmadda ka taagan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...