Wednesday, May 6, 2026
28.5 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan duqeyn cusub oo uu Mareykanka ka fuliyay degmada Jilib

Jilib (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradeed oo shalay uu ka fuliyay Gobolka Jubbada Dhexe.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday Degmada Jilib ee Gobolka  Jubbada Dhexe, isla markaana lagu bur buriyay Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen halkaas.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, sida uu sheegay kuxigeenka Agaasimaha howlgalada, Taliska Mareykanka ee Afrika Gen. Miguel Castellanos.

Sidoo kale waxaa Qoraalka Africom lagu sheegay in duqeyntaas qiimeyn ay sameeyeen aan wax khasaaro ah lagu gaarsiin dad Shacab ah balse lagu bur buriyey Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxa uu kordhiyay weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...