Sunday, May 31, 2026
26.7 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Qoorqoor oo maanta kormeeray xarumaha ciidamada ee Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee garabka dowladda Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa Axaddii maanta kormeeray Xarumaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha oo kormeeray Xarunta Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa uu kula kulmay Saraakiisha iyo Ciidanka Militariga, iyadoo uu warbixino ka dhageystay.

Mudane QoorQoor ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Militariga shaqada ay u hayaan bulshada reer Galmudug, iyadoo dhanka kale uu ku booriyay inay shaqada laba laabaan.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa waxaa uu Saraakiisha Militariga faray inay door muuqdo ku yeeshaan ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo mar sii horeysay la kulmay Saraakiisha Nabad iyo Booliska ayaa kula dardaarmay inay xoojiyaan dadaalada ay ku adkeynayan amniga Magaalada Dhuusamareeb.

Kormeerka Qoorqoor ayaa ku soo aadaya, xilli Ciidamada Dowladda Somaliya ay xaalad deg deg ah ku soo rogayn Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in taageere-yaasha Ahlu Sunna ay qorsheynayan bannaanbax ay ku muujinayan dareenkooda.

Xaaladdan la geliyay Magaalada Dhuusamareeb oo hadalhayn badan dhalisay ayaa dhanka kale waxaa caro xoog lihi ka muujiyay bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...