Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Caafimaad ee guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo DFS oo…

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) iyo qaar kamid ah dhaawacyadii la geeyay magaaladda Doha ee Dalka Qadar.

Danjiraha Dowladda Federalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar, Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, ayaa sheegay xaaladda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo dadka kale ee dhaawacyada la socda in xaaladooda caafimaad ay tahay mid wanaagsan.

Waxa uu sheegay Safiirka in guud ahaan dhaawacyada la geeyay Magaalada Doha ee dalka Qatar inay gaarayaan illaa 12 ruux, balse bukaan ka mid ah dadkii waxyeelada ay soo gaartay uu halkaasi ku dhintay.

Bukaanka dhintay oo lagu magacaabi jirey Maxamed Cismaan Cali, ayaa ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Kontoroolka laga galo Garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho, wuuna gubtay madaama uu taagnaa Goob shidaalka lagu iibiyo.

Dhanka kale, Danjiraha Dowladda Federalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano oo ka hadlayay xaaladda Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in Gudoomiyuhu ay xaaladiisa haatan kasoo reenayso.

”Xaaladda guddoomiye Eng.Yariisow aad ayay u soo hagaageysa, markii diyaarada lagu keenayay halkaan Doxa si fiican looma garan karin, hada waa qof neefsanaya oo dhaq dhaqaaq sameynaya wax badan muuqaalkiisa waa soo laabtay, waxaa u yimid xaaskiisa iyo carruurtiisa aad ayay ugu faraxsanaayeen sida loola tacaalayay” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qadar.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...