Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Soomaaliya ‘Farmaajo’ oo saxiixay Sharciga Batroolka dalka, kaddib markii ay..

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Batroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka .

Madaxweynaha JF Soomaaliya, ayaa guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweyne Farmaajo ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...