Monday, April 20, 2026
28.3 C
Mogadishu

Wasiir Goodax oo sheegay in Ardayda Puntland Shahaado la siinayo markii ay galaan imtixaanka!

Wasiir Cabdulaahi Goodax Barre

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in aan wali la xalin Khilaafkii ka dhex taaagnaa Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaliya.

Wasiir Goodax Barre, ayaa sheegay haddii ardayda Puntland aysan galin Imtixaanka Shahaadiga ee ay agaasinto Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, ardayda Puntland aysan heli doonin Shahaado.

Mr. Goodax Barre ayaa sheegay Puntland inay doonayaan imtixaanka inay iyaga agaasintaan, kadibna ay helaan Shahaadada dowladda dhexe ee Somaliya.

“Puntland aragtidooda waxa waaye Imtixaanka annagaa qaadeyno, Wasaaradda Waxbarashada oo Imtixaanka agaasinto ma rabno in aan wax la wadaagno in macluumaadka ardayga u sheegno, anaga agaasimeena, kaliya Wasaaradda waxbarashada shahaadada ha siiyaan, anagana waxaa niri arrintaas macquul ma ahan, inay ayaga is maamulaan anagana aan shahaado bixino oo aysan shaqeysan cadaalad ma ahan.”Ayuu yiri Wasiir Goodax oo la hadlaayay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sidoo kale yiri:, “Puntland waa in ay imtixaanka galaan ama aysan shahaado soo raadsan oo ay isku filnaadaan.‘‘

Si kastaba, waxaa weli jira Khilaaf u dhaxeeya dowladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, Khilaafkaasi oo salka ku haayo arrimaha ku aadan Siyaasadda iyo dhanka waxbarashada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...