Khartoum (Halqaran.com) – Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ganacasiga iyo warshadaha Soomaaliya, Cabdalla Xasan ayaa dowladda Suudaan kala hadlay iskaashi dhaqaale iyo mid maalgashi oo ay labada dal yeeshaan.
Wasiirka ganacsiga ayaa kulan uu la yeeshay xoghayaha guud ee hay’adda maalgashiga Suudaan Xanaan Musnad waxa ay isla garteen baahida labada dhinac ay u qabaan maalgashi ay labada dal si wadajir ah uga faa’iideystaan.
Masuuliyiinta ayaa isla gartay in ay lagama maarmaan tahay isdhaafisiga khibradaha oo muhim u ah labada dowladood iyaga oo ballanqaaday in ay dhiirragalinayaan xariirka ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan.
Wasiirka ganacasiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa ballanqaday in xukuumaddiisu ay ka shaqeynayso horumarinta xariirka labada dal ee dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Sidoo kale, Xanaan Musnad wasiirka iyo wafdigiisa sharaxaad waafi ah ka siisay fursadaha maalgashi ee ka bannaan dalka Suudaan iyada oo carrabka ku adkeysay adkeynta xariirka soojireenka ah ee ay wadaagaan labada dal.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






