Sunday, April 19, 2026
28.4 C
Mogadishu

Duqeyn lagu garaacay deegaanno ay maamulaan Al-Shabaab & Wararkii ugu dambeeyay

J/Dhexe (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya xalay duqeyn in lala beegdsaday xubno ka tirsanaay Al-Shabaab.

Deegaannada duqeymaha lala beegsaday waxaa kamid ah Saakow, Hargeysa-yarey, iyo degaano u dhexeeya Jilib iyo Bu’ale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday, tuulada lagu magacaabo Hargeysa-yarey, waxaana la sheegay in halkaas Shabaab Khasaare uu ka soo gaaray, inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn inta uu la eeg yahay Khasaaraha soo gaaray Al-Shabaab.

Sidoo kale, degmada Saakow waxa la soo wariyay in duqeyn lala beegsaday xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen, Xero halkaasi ku taalla.

Ma jirto cid si toos ah faah faahin uga bixisay Khasaaraha dhabta ah ee Al-Shabaab ka soo gaaray duqeymahaasi lagula beegsaday deegaanno ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

Duqeymaha lagu garaacayo deeganada Al-Shabaab ay maamulaan ayaa sii kordhaya, iyadoo awooda Kooxda waxba aaney iska bedelin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...