Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedyada Xaqsiinta Ciidamada +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedyada Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida iyo Istaatistikada Qaranka.

Kulankii 31aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Kulanka ayaa waxaa shir guddominayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Moowlid Xuseen Guhaad.

Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Intaas kaddib Golaha Aqalka Sare ee ayaa ansixiyay Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Haa ku ogaalatay 30 Senator, waxaana Ka amusay 1 Senator, ma jirin cid diiday sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sidoo kale Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, Maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa si taa la mid ah waxa ay ku meel mariyeen Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka, waxaana haa ku ogaalatay 31 Senator, wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jirin.

Gabagabadii, waxaa shirka soo xiray guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...