Monday, April 20, 2026
30 C
Mogadishu

Boqorka cusub ee dalka Cumaan oo lagu dhawaaqay, kaddib markii uu geeriyooday..

Cumaan (Halqaran.com) – Haitham bin Tariq Al Saciid ayaa loo Magacaabay inuu noqdo boqorka cusub dalka Cuman, kadib dhimashadii ina adeerkiis Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid, sidda ay ku warantay Warbaahinta Gudaha ee Cumaan.

Wasiirkii hore ee dhaqanka ayaa la dhaariyey kaddib markii ay soo gudbiyeen qoyska Boqortooyada.

Dastuurka Cumaan ayaa wuxuu dhigayaa in qofka guuleysta uu u magacowdo qoyska boqortooyada sedex maalmood gudahood markii carshiga uu baneeyey.

Suldaanka waa inuu xubin ka ahaadaa qoyska boqortooyada, sidoo kale waa in uu ahaada “Muslim, qaan gaar, caqli gal ah.

Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan ayaa geeriyooday, isaga oo ay da’diisu tahay 79 jir.

Sultan Qaboos waligii ma guursan, islamarkana Boqorka oo ahaa ninkii uu xukunkiisu ugu waqtiga dheeraa dunida Carabta ayaa geeriyooday isaga oo aan magacaabin ciddii badali lahayd.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...