Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Iiraan oo qiratay kana hadashay qaabkii ay u soo riday diyaaradii rakaabka ee Ukrainian

Burburka diyaaradii ay ku qaldantay Iiraan oo ay soo riday /Photo Credit: EPA

Tehran (Halqaran.com) – Militariga dalka Iraan ayaa sheegeen in si aan ula kac ahayn oo kama ah ay u soo rideen diyaarad rakaab oo laga lahaa Ukrainian, sida uu baahiyay telefishinka qaranka Iiraan.

Bayaan la baahiyay saaka ayaa lagu sheegay in falkani uu ku dhacay oo burburka diyaarada uu ka dhashay”khalad uu bina’aadam sameeyay “.

Dadkii masuulka ka ahaa ayaa lala xisaabtami doonaa, sida bayaan laga baahiyay telefishinka lagu sheegay.

Iran ayaa horey u diiday warar sheegayay in diyaaradda ay soo dhacday kadib markii uu haleelay gantaal ay Iiraan riday.

Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhanaa 176.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay horey u sheegay in diyaarada ku dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas.

Caddeymo ay heleen dalalkaas ayaa muujineyay in gantaal ay riday Dowladda Iran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda Tehran.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...