Monday, April 27, 2026
28 C
Mogadishu

Cumar Filish: ”Waxaa laga hortagay weerarro Al-Shabaab ay dooneysay inay ka geysato Muqdisho”

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa sheegay inay ka hortageen weeraro Al-Shabaab ay doonayeen inay ka gaystaan Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isku dayeen bur burinta goobaha Bulshada isugu timaado, islamarkaana Ciidamada ammaanka arrimahaasi ay ka hortageen.

Waxa uu sheegay Muqdisho inay yaalaan Koontaroolo badan oo lagu hubiyo gaadiidka, islamarkaana Shabaab ay awoodi waayeen gaari qarax Magaalada inay soo galiyaan.

“Waxaa ay mareysaa in Al-Shabaab ay u suuro geli weysay inay burburiyaan meelaha Bulshada loogu adeego, waxaana sameynay koontoroolo farabadan oo amniga laga ilaaliyo, waxaana dowladda ka go’an inay ka hortagto weerarada Al-Shabaab ayuu yiri.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shacabka Muqdisho uga mahadceliyay wada shaqeyn uu sheegay inay la leeyihiin laamaha ammaanka, islamarkaana arrimahaasi guulo lagu gaaray.

Waxay aheyd Arbacadii shalay markii Isgoyska Sayidka uu ka dhacay Qarax gaari loo adeegsaday, halkaasi oo ay ku dhinteen Shan ruux oo uu ku jiro Agaasime ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...