Monday, April 27, 2026
28 C
Mogadishu

Puntland oo ka soo horjeesatay Ansixintii Sharciga Batroolka Soomaaliya maalmo kaddib

Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni

Garoowe (Halqaran.com) – Maalmo uun kaddib markii uu Golaha shacabka ee BF Soomaaliya ansixiyeen Sharciga Patroolka dalka, islamarkaana Golaha Aqalka Sare iyagana ay meel mariyeen, ayaa waxaa hadlay sharcigaasi madaxweynaha Puntland mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland, ayaa waxa uu sheegay ansixinta sharcigaasi Puntland in aysan waxba ka ogeyn, arrintaasina ay ka soo horjeedaan.

Saciid Deni ayaa sheegay in wax walba ay u baahan yihiin in laga wada tashado, hayeeshee ay u muuqato in Sharcigaas uu yahay mid ay wataan dad dano gaar ah leh, sidaasi daraadeedna Puntland wax Shaqo ah aysan ku laheyn.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay shuruucda waaweyn ee dalka in loo baahan yahay wadatashi in laga yeesho, balse aysan haboonayn in lagu deg dego meel marintiisa.

Puntland ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay ku leedahay xubno matala, halka sidoo kale Aqalka Sarena ay ku leedahay matalayaal, kuwaasi oo u codeeyay sharciga Patroolka inuu yahay ansax.

Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal siyaasadeed oo qabow.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...