Monday, May 4, 2026
28.5 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Duqa Muqdisho oo sheegay inay jiraan ganacsato lacago siiya Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – Duqa magaalada Muqdisho, ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay inay jiraan ganacsato farabadan oo lacago baad ah siiya Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya.

Cumar Filish ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan Dadka Shacabka, hayeeshee taasi aysan aqbaleyn, isla markaana ay dagaal adag la geli doonaan Al-Shabaab.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu uga digay ganacsatada Soomaaliyeed inay lacag siiyaan Al-Shabaab oo uu sheegay in markii dambe lacagahaas ay Carruurtooda ku dilayaan.

Hadalkaan ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa uu maanta ka sheegay banaanbax looga soo horjeeday Al-Shabaab looguna baroor diiqayey qarixii Ex-Control oo lagu qabtay Muqdisho.

Halka hoose ka dhageyso codka Cumar Filish:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...