Monday, May 4, 2026
28.5 C
Mogadishu

Xildhibaan Jeesow ”Al-Shabaab waan ka aarsaneynaa ee dhammaanteena aan ciidan noqono”

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay isgarab taagaan ciidamada amniga, ayna hal meel uga soo wada jeestaan sidii guud ahaan dalka looga cirib tiri lahaa Al-Shabaab.

Xildhibaanka oo ka hadlayay isu soo bax lagu qabtay magaalada Muqdisho ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ayaa ugu horeyn ugu baaqay dhallinta ay marin habaabiyeen Al-Shabaab inay isu soo dhiibaan gacanta dowladda, isagoo intaa ku daray in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaan ugu baaqayaa dhallinyarada ay marin habaabiyeen argagixisada Al-Shabaab inay isu soo dhiibaan gacanta ciidamada dowladda, waxaa hubaal ah inaan gacmaha is qabsano oo aan iska dhicino cadowga Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, uuna diyaar u yahay in meelkasta oo ay Shabaab joogaan loogu tegi doono.

“Guddoomiye Cumurow waxaan rabnaa inaad nagu hogaamiso inaan Shabaab guryaha ugu daba tegno, waxaan rabnaa inaan gedigeena noqono askar, meel Alle iyo meelkasta ay Al-Shabaab galaan waan uga daba tegeynaa, Argagixisada waan ka aarsaneynaa dhibaatada ay u geysteen ardaydeena ee dhamaanteena aan ciidan noqono” ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...