Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

Taliyihii Xabsiga dhexe ee Xamar ee Bukaanka Isbitaal kala baxay oo ugu dambeyn Xilka laga qaaday

Taliyaha Xabsiga Dhexe Xamar; General Maxamed Sheekh Cumar (Xirsiile):

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, ayaa xilkii laga qaaday, kadib markii horay shaqo joojin loogu sameeyay.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya Mahad Cabdi raxmaan Aadan uu shaqada ku soo celiyay Jeneraal Xirsiile, balse amar ka soo baxay madaxda sare ee dowladda xilka looga qaaday.

Taliyaha cusub ee xabsiga dhexe, ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Xabsiga Dhexe ee Xamar, isagoo beddelaya Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile.

Jeneraal Xirsiile ayaa lagu eedeeyay inuu Isbitaal kala soo baxay Bukaan Maxbuus ahaa oo xaaladdiisa ay liidatay, kaasi oo ugu dambeyn ku geeriyooday Isbitaalka martiini.

Kiiskaasi, ayaa wuxuu noqday mid si wayn u saameeyay Taliyihii Xabsiga dhexe, waana sababta keentay xil ka qaadista in lagu sameeyo.

Ehelada ninkii bukaanka ahaa ee geeriyooday, ayaa dalbaday in cadaaladda la waafajiyo Taliyaha Xabsiga dhexe ee ka dambeeyay in Bukaankaasi uu geeriyoodo, maadaama isaga oo ku xiran yahay Oxygen uu ka soo furay Taliyaha uuna soo kaxeystay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...