Wednesday, June 24, 2026
25.4 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Ex-Kontrol Afgooye ee Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa isa soo taraaya khasaaraha ka dhashay weerarkii argagixiso ee saaka ka dhacday Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho, laguna laayay dad aan waxba galabsan.

Nin la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay goob lagu canshuuro gaadiidka isaga kala goosha Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Koonfurta.

Warar kale ayaa sheegaya in bartilmaameedku uu ahaa gaari nooca aanay rasaasta karin oo ay la socdeen laba Injineero oo dalka Turkiga u dhalatay, kana mid ah Injineerada dhiseysa wadada xiriirisa Magalaada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Gaadiidka gurmadka deg-degga ayaa waxay goobtaasi ka daabuleen tobonaan qof oo dhimasho iyo dhaawacba uu qaraxaasi ka soo gaaray. Dadka ku la’day weerarkan ayaa waxay u badan yihiin arday.

Soddon qof ayaa waxaa la ogyahay inay ku dhinteen qaraxaasi, iyadoo meydadka dadkaasi loo kala qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale tiro dhaawacyo ah ayaa la seexiyay isbitaalada ku yaala magaaalada. Dad qabay dhaawacyo culus ayaa isbitaalka Madiina ugu geeriyooday dhibaatadii qaraxa ka soo gaartay.

Gaari caasi ahaa oo rakaab waday ayaa waxaa la soo sheegayaa inaanu jirin hal qof oo nolol kaga badbaaday ismiidaamintaasi. Gaarigan waxaa la socotay dhawr iyo toban qof.

Dadka khasaaraha ugu badan uu weerarkaasi ka soo gaaray ayaa ah arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kuwaa oo ku la’day falkaasi arxanka daran.

Saraakiisha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo xigtay in dhimashada ay gaari karto in ka badan afartan qof.

Waa maalin kaloo madow oo dadka reer Muqdisho soo wajahday, wixii ka dambeeyay qaraxii boqolaalka qof ku la’deen ee 14-kii bishii October ee sanadkii 2017, ka dhacday Isgoyska 14-ka October (Ex Zoobe).

Ugu dambeyn, si lamid ah weerarkii Isgoyska Ex Zoobe ayaa waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, balse weerarada ceynkani oo kala ah ayaa waxaa aallaaba dusha u rita Ururka Al Shabaab.

Medical personnel carry a civilian who was wounded in suicide car bomb attack at check point in Mogadishu, Somalia, Saturday, Dec, 28, 2019. A police officer says a car bomb has detonated at a security checkpoint during the morning rush hour in Somalia’s capital. (AP Photo/Farah Abdi Warsame)

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...