Monday, May 4, 2026
28.4 C
Mogadishu

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ka Hadlay Arimo Xasaasi ah oo ku aadan Doorashooyinka Dalka ka dhici doono

Garoowe (Halqaran.com)- Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni oo xalay khudbad ka jeediyay xarunta hay’adda PDCR ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada dalka iyo doorshada soo socota ee Soomaaliya ee sanadka 2021.

Deni oo ka hadlayey Madasha PDRC ayaa waxa uu si gaar ah u dul istaagay waxa uu kala socdo arimaha doorashooyinka Dalka waxa uu yiri.

“Doorashada federaalka diyaar garowga ugu badan waxaa laga rabaa Puntland ma ahan in laga rabo dowladda federaalka oo kaliya, mana jirto nidaam gaar ah oo aan hada leenahay waa inay ku dhacdaa doorashudu, sida madaxda qaar oo lahaa waa lagama maarmaan inay noqoto 4.5, anagu waxaan leenahay mudada yar ee aan heysano aan ka wada tashano sidii ay wax noogu hagaagi lahaayeen”.

Dhinaca kale waxa uu shaki geliyay sida uu ku dhaqangeli karo Xeerkaan Doorashooyinka maadaama sida uu yiri aan la soo marsiin habraacyadii sharciga ahaa ee ay ka mid aheyd in lagala tashado maamul gobaleedyada.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay xal ka gaari doonan ismaandhaafka jira.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...