Monday, May 4, 2026
28.4 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Xildhibaannada Baarlamaanka HirShabelle oo si rasmi ah u gudbiyay mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Waare

Jowhar (Halqaran.com) – Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle ayaa waxay maanta si rasmi ah ugudbiyeen qeybtood Mooshin Xilka qaadis ah oo ka dhan ah Madaxweyne Waare.

Xildhibaanada Mooshinka gudbiyey waxay gaarayaan 39 Xubnood, kuwaas oo tirada laga rabay inay Mooshin keeni karaan ay tahay 33 Xildhibaan.

Mr. Guure oo ka mid ah Xildhibaanadii maanta la shiray Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenadiisa waxa uu xaqiijiyey inay Mooshinkaasi gudbiyeen.

Cabdiraxmaan Maxamed Guure ayaa ku Eedeeyey in Amniga iyo Xuquuqda Xildhibaanada uusan waxba ka qaban madaxweynaha HirShabelle Maxmaed Cabdi Waare inta uu xukunka hayo oo Labo sano ah.

Waxa la filayaa in Sabti ama Axad loo yeero Madaxweyne Waare oo isla xisaabtan lala galo ama codka Kalsoonida loo qaado.

Bishii June 2017-kii ayaa waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle waxay xilka ka qaadeen oo kalsoonida kala noqdeen Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii HirShabelle Ee Xilligaasi.

Halka hoose ka dhageyso Codka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...