Sunday, April 19, 2026
28.4 C
Mogadishu

Waa kuma taliyaha cusub ee Uganda u soo magacowday ciidankeeda ka jooga Soomaaliya?

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Uganda ayaa taliye cusub u magacawday Ciidamadeeda ku jira Amisom ee ka howlgala Soomaaliya.

Taliyaha cusub oo durba xilka la wareegay ayaa u mahadceliyay Taliyayaasha kaga horreeyay howlgalka Amisom iyo Madaxda Ciidanka Difaaca Uganda ee isaga u magacaabay.

Richard Otto, ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Uganda ee ku jira Amisom, waxana uu xilka kala wareegay Michael Kabango oo muddo sanad ah shaqeynayay.

Peter Elwelu, oo ah Taliyaha guud ee Ciidanka dhulka ee dalka Uganda ayaa Taliyaha cusub ku sifeeyay in uu yahay nin khibrad u leh dagaalka ka socda Soomaaliya kuna kalsoonyihiin in u guul ka gaari doono.

Sidoo kale Taliyaha xilka wareejiyay Michael Kabango, ayaa sheegay in Taliyaha cusub uusan xilkan u gelin olole hayeeshee ay hoggaanka UPDF u garteen in uu yahay nin ka bixi kara shaqada adag ee taalla Soomaaliya.

Dalka Uganda waxaa Soomaaliya hadda ka jooga Ciidamo gaaraya  ilaa 6000 oo Askari kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Amisom ee Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa soo caga dhigtay 7dii March 2007dii xilligaas oo Ciidamo Itoobiyaan ah ay Magaalada Muqdisho ka saareen Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...