Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Ciidamada Ammaanka ee Dhuusamareeb oo Gacanta ku dhigay Wax yaabaha Qarxa+Sawiro

Dhuusamareeb (Halqaran.com)- Ciidamada Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa inay Gacanta ku soo dhigay Waxyaabaha Qarxa kuwaas oo ku diyaarsanaa Meel lagu qariyay.

Taliska ciidanka Booliska ee Dagmada Dhuusamareb ayaa ku waramay inay ku raad joogaan ragii waday waxyaabaha qarax, iyagoona tilmaamay in qaraxa lala doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in waxyaabaha qarxa lagu diyaariyey mid kamid ah guryaha ku yaalla Magaalada dhuusamareeb,isla markaana Ciidamada ay soo saareen, iyadoona weli baaritaano ay ka socdaan xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha Booliiska Dhusamareeb ahna Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gaashaanle C/llaahi Xassan Macallin ayaa waxa uu sheegay in Howlgal Ciidamadu sameeyeen lagu soo qabtay Qaraxaan, kaasi oo laga soo helay meel ka mid ah Xaafada Dayax ee Magaalada Dhusamare.

Si kastaba ha noqotee Ammaanka Dhuusamareeb ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo adkeeyay, waxaana lagu wadaa dhawaan in ay ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...