Friday, November 7, 2025
27.9 C
Mogadishu

Dhuusamareeb: R/W Kheyre iyo guddiga dib u heshiisiinta oo arrimo xasaasi ah kawada hadlay

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul gobaleedka Galmudug kula kulmay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Wasiirro iyo madax ka kala tirsan dowladdda federaalka iyo madaxda fulinta Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa kulanka oo looga hadlay dardar gelinta howlaha dib u heshiisiinta iyo ka mira dhalinta dadaallada la isugu keenayo dhammaan reer GalMudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay.

Mudane Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer GalMudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna Galmudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Muddo bil ku dhow ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafiga uu hoggaaminayo ayaa Galmudug u jooga xallinta khilaafka Galmudug iyo sidii doorasho ugu dhici laheyd halkaa.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...