Thursday, July 9, 2026
25.2 C
Mogadishu

Wadooyinka Muqdisho oo lagu xiray Kaamirooyinka Qarsoon (Ogow Ujeedka laga leeyahay!)

http://www.dreamstime.com/-image20238202

Muqdisho (Halqaran.com) – Wadooyinka Caasimadda Muqdisho, gaar ahaan xayndaabka ay ku sugan tahay dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa waxaa lagu dhajiyay Kaamirooyinka Qarsoon ee wax duuba.

Waddada Maka Al-Mukarama ayaa inta badan lagu dhajiyay Kaamirooyinkaan, gaar ahaan Isgoysyada laamiga ah, waxaana hawshaan wadata Hay‘adda Nabad Suggida Soomaaliya.

Laga soo bilaa Isgoyska Banaadir illaa KMO oo ah meesha ay ku taallo Taliska NISA, waxaa lagu dhajiyay Kaamirooyin Qarsoon oo si toos ah looga arki karo muuqaalada Magaalada gudaheeda.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa socotay shaqo habeenkii saqda dhexe laga qabanaayay laamiyada, taasi oo ku aadan in laamiga la jeexaayay, kadibna la dhexmarinaayay fiilooyinka Kaamirooyinka.

Dadka reer Muqdisho ayaan intooda badan fahansaneyn Kaamirooyinka iyo waxtarka ay u leeyihiin suggida ammaanka Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, muddooyinkii dambe ammaanka Muqdisho ayaa wuxuu ahaay mid hagaagsan, islamarkaana aysan ka dhicin falal lid ku ah dhanka ammaanka, sida qaraxyo dad shacab ah wax ay ku noqdeen, kadib markii si wayn loo xakameeyay ammaanka Magaalada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...