Friday, May 1, 2026
27 C
Mogadishu

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu Dilay Gedo

Baardheere (Halqaran.com) – Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ka hawlgala Gobolka Gedo, ayaa sheegay inay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab kadib weerar ay ku qaadeen duleedka Degmada Baardheere.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Daar oo qiyaastii 30-KM u jira Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasi oo ciidamada ay ku weerareen xubno Shabaab oo ku sugnaay.

Ciidanka Shabaabka ee la weeraray ayaa halkaasi waxa ay ka wadaan aruurinta Xoolo ay ku sheegeen inay ahaayeen Zakawaat, islamarkaana dadka deegaanka laga qaadaayay.

Maxamed Cali Cabdullaahi oo ah Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ee Baardheere ayaa saxaafadda u sheegay in ay iyagu weerar ku qaadeen halka ay ku sugnaayeen Al-Shabaab markii ay xog ka heleen Dadka degaanka waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay hawlgalkaasi dagaal inay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan Shabaab, sidoo kalena ay ku dhaawaceen rag kale.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay gubeen laba gaari oo nooca dagaalka ah, sidoo kalena dadka deegaanka waxa ay sheegeen laba Askari in laga dilay Ciidamada Xoogga dalka.

Ururka Al Shabaab ayaa Gobolada qaar ee dalka waxa ay ka wadaan qaybinta xoolo ay ku sheegeen inuu yahay Zakawaad, islamarkaana wali meelaha qaar ay ka wadaan aruurinta xoolahaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...