Saturday, June 27, 2026
25 C
Mogadishu

UPDATE: Jeneraal ka tirsan ciidanka Militariga oo gurigiisa Muqdisho lagu dhex-dilay, (Yaase dilay?)

Generaal Yuusuf Cali Qasaay (Yuusuf Cagey) oo lagu dhex-dilay gurigiisa

Muqdisho (Halqaran.com) –  Waxaa galabta Xaafadda Warshada Caanaha ee degmada Hodan lagu dilay Jeneraal ka tirsanaa Ciidamada Militariga Soomaaliya.

Jeneraalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Cali Qasaay (Yuusuf Cagey), warar is khilaafsan ayaana ka soo baxaya cidda dishay marxuumka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Militeriga ayaa sheegay in Jeneraalka uu dilay sarkaal kale oo ka tirsan ciidanka Militeriga Soomaaliya, inkastoo aan wali la sheegin magaca sarkaal wax dilay.

Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in lagu dhex dilay gurigiisa oo uu xilligaas ku sugnaa, waxaana goobta gaaray ciidamo iyo saraakiil boolis ah kuwas oo haatan wada baaritaan ku aada qaabka uu dilku u dhacay.

Jeneraal Cagey Allaha u naxariistee ayaa muddo wuxuu ka soo shaqeynayey gobolka Shabellada Hoose, oo uu ka tirsanaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala gobolkaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...