Saturday, June 27, 2026
25 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in Puntland ay Xabsiga Boosaaso ku xirtay Nabaddoono (Ogow Sababta ka dambeysa!)

Boosaaso (Halqaran.com) – Puntland ayaa xabsiga u taxaabtay laba Nabaddoon oo ka mid ahaay Odayaasha Dhaqanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Nabadoonadan oo mid ka mid ah gurigiisa lagala baxay, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lagu xiray Xabsi ku yaallo Magaalada Boosaaso.

Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo shalay dowladda Puntland ku dhaliilay heshiisyo ay sheegeen in ay la gashay Imaaraadka Carabta.

Qaar ka mid ah Odayaasha Magaalada Boosaaso ayaa si wayn u dhaliilay Odayaasha la xiray waxaana ay sheegeen falkaasi inuu yahay caburin.

Masuuliyiinta maamulka Puntland wali kama aysan hadlin xariga loo gaystay Odayaashaan maanta lagu xiray Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...